Madax dhaqameedku dhisitaanka Soomaalilaan waxa ay kasoo qaateen kaalin muhiim ah, taas oo aan marnaba indhaha laga lalin karin balse maanta kama hadlayno kaalintooda togan ee waxa aynu dul istaagaynaa kaalinta taban ee ay ku yeesheen dawladda iyo bulshadaba. Soomaalilaan xukuumadihii kala danbeeyey midiba qaab ayay ula macaamishay madax dhaqameedka. Tusaale, Madaxwayne Cigaal waxa uu kamid ahaa dadkii rabay in la dhimo awoodda madax dhaqameedka ee siyaasadda, waxa ugu wayn ee aynu xusi karnaana waa in doorashadii gacantaagga la isku xulan lahaa uu ka soo hoos saaray oo uu ka dhigay mid shacabka gacantooda ku jirta. Daahir Riyaale oo kursiga ka dhaxlayna waxa uu qaaday waddada saaxiibkii. Madaxwayne Siilaanyo oo sannadii 2010-kii kursiga kala wareegay madaxwayne Riyaale, waxa uu kursiga ku soo gaadhay awoodda madax dhaqameedka taas oo markii danbe noqotay awood ka ag dhisan awooddii dawladnimada. Kaddib waxa kursiga uga danbeeyey madaxwayne Muuse, kaas oo isna kursiga ku so...
Cabdiqani Maansaawi
"Ku soo dhawoow degelka Cabdiqani-Maansaawi"