![]() |
Sawir aan ku sameeyey Ai |
Waa subax hore, waxa uu fadhiyaa figta buur u dhaw hoyga uu
daganyahay. Waxa labadiisa farood ku sii libdhaysa mid sigaara oo uu aad u
nuugay. Waxa ay naftiisa ka fekeraysaa laba go'aan in uu mid uun doorto. Isagoo
faqaas ku maqan ayuu galay xasuus dheer. “Waa galab, hadda ayuu soo xareeyey baraarka
oo ah xoolaha keliya ee uu raaci karo. Waxa muska jeesku daganyahay soo
istaagay gaadhi cad. Waxa soo dagay walaalkii Warsame oo ah curadka qoyska. Mar
mar uu soo booqdo mooyee inta baddan waxa uu maqli jiray in uu magaalo ku
maqanyahay. Markuu soo galay salaan ka bacdi waxa uu xaafadda u sheegay in uu
helay shaqo wanaagsan, imikana uu ku talo jiro in uu walaalkii Mooge u diro
waxbarasho anfacda qudhiisa iyo ta qoyskoodaba. Wuu ku farxay hadalkaa. Ambabax
maalmo qaatay kadib subax ay dhulka dhado jiifto ayay usoo jarmaadeen
magaallada. Isla ayaamo kooban kadib waxa la geeyay dugsi iyo mulcaamad uu ka
barto quraanka. Halkaas waxa ka bilaabmay hayaan dheer oo naftiisa yididiilo
geliyay. Intii hore ha ku adkaato la qabsiga magaallada iyo ka wax dhigashadu,
balse caawin iyo dhiirin galin uu ka helayey walaalkii ayaa u noqday shidaalka
ugu wayn ee ay naftiisu quudatay. Kaddib sidaas ayaa uu ku dhameeyey
waxbarashadii dugsiga hoose iyo kii dhexeba.
Markii uu dugsiga sare u gudbay, waxa naftiisa dhex qaaday fekero
kala duwan. Waxa uu dareemay in dhulka soomaalidu yahay meel aan lahayn jiho
mustaqbal oo uu qofku raaco. Marar dhawr ah oo arday ay isku fasal yihiin
tahriib u diyaar garoobayeen ayuu qayb ka noqday, haddana ma suuro galin oo wuu
ka baaqday. Marka uu xaafadda joogo waxa uu inta badan naftiisa ku mashquuliyaa
wax akhriska, kaas oo ah shayga ugu wayn ee naftiisu deggenaan ku dareento.
Inta badan qolkiisa kama soo baxo. Waa qol aanay gudihiisu indhaha u roonayn. Halkaa
albaabka laabadkiisa waxa u yaal miis yar oo ay dul yaallaan buuggag kooban oo
u badan sheeko fanneed. Waxa dusha u soo xiga dhiganaha Aanadii Nageeye oo uu
aad u xiiseeyo. Halkaas waxa u yaala roog yar oo uu dulsaaranyahay furaash
nafar ah oo aan laga laabin go’a iyo bustaha. Waa qol inta badan is
dhexdaadsan. Inta uu haleelo hagaajintiisuna waa mid kooban. Galabtii ayaa uu
xaafada ka baxaa si uu wakhti ula soo qaato saaxiibada ay isku fekerka yihiin.
Mar ay falanqeeyaan siyaasada dalka iyo mar ay qaxwe cabbaan ayaa uu wakhtigu
kaga soo dhamaadaa. Mooge intii hore in uu natiijo wanaagsan keeno aad ayuu
danayn jirey, hadda se waa iskaga mid. Marar badan waxa uu naftiisa ku
canaantaa in uu khaldanaa go’aankii uu kaga yimid miyiga. Waxa uu u xiisaa noloshii
xoolo raacatada. Noloshii aanu qofku ka fekerayn isbadallo adduun iyo mustaqbal
la sii saadaaliyo. Markii uu dhameeyey dugsiga sare, waxa u bilaabmay hayaan
kale.
Waxa uu ka soo wareegay magaaladii uu daganaa. Waxa uu jaamacadda
ka bilaabay deegaan kale. Halkaas ayaa uu ku dhamaystay. Kulliyada uu doortay
ma yaqaano waxa uu u doortay, imikana ma arko fursad suuqa taalla oo uu kaga
shaqaysan karo. Nidaamka waxbarasho ee soomaalida ayaa ah mid soo saara arday
wax xiftiya. Suuqa shaqadana looguma sii tababaro xirfado ay adeegsadaan
ardaydu. Loomana qaabeeyo in uu ardaygu noqdo mid wax soo saara, ama wax cusub
curin kara. Mooge taas ardaydaas ayuu kala simanyahay.
Weedhaha aan dhagihiisa u roonayn ee kaga imanaya ehelka “ waa ma
shaqayste “ iyo filashada uu ka haystay nolosha uu sanadahaas halganka ugu soo
jiray ayaa ka dhigtay mid qolkiisa jiifa, oo saacado ku bixiya isticmaalka
moobaylka. Sideedaba filashadu ma noqoto wax maxsuul qurux badan soo saara,
waana ta keentay in uu Mooge noqday qof niyad jabsan oo waayaha isku dhiibay.
Nafta haku maaweeliyo laakiin in uu bartay cunista qaadka iyo cabitaanka
sigaarku waxa ay sii kordhiyeen carqaladaha uu nolosha ku wajahayey. Marar
badan ayaa lagu canaantay “ Waxkale ha noo qabane kaalay aakhiradaada u
shaqayso” waa run oo Mooge waa ay isla dhibbanaayeen salaadda, sideedaba waxa
soo noq noqda naftu ma xiisayso, isaguna jimcayaasha mooyee inta kale dan kama
gali jirin.”
***
Waa laba doorasho oo uu bilihii u danbeeyey aad uga fiirsaneyey.
Sideedaba doorashada qof ka soomaaliga ah waa mid halis ku dhisan isaguna waxa
uu taas kala siman yahay inta isaga la filka ah. Midi waa xadhiga gacantiisa ku
jira balse waxa uu ka doorbiday in uu tahriibo.
Qorshe kaddib waxa ay israaceen jaalleyaal kale oo waayaha adduunku
mideeyey. Goor habeenimo ah ayay ka guureeyeen magaalada. Waxa ay ku socdeen
hagitaankii magafaha. Waxa uu u sheegay in uu safarkoodu ku jihaysan yahay
dhanka Yemen, halkaasna ay uga sii gudbi doonaan dalalka kale ilaa ay ka
gaadhayaan Yurub. Intii ay jidka ku soo jireen waxa ay soo mareen deegaan ay
colaadi ka jirtay sannadihii u danbeeyey, waxa is horfadhiya laba qabiil oo aan
aqoon sababta ay isku dilayaan. Dagaallada soomaalidu macno badan kuma fadhiyo,
balse waxa uu dabaqaa maahmaahdii ahayd “Ayax tag eelna reeb” intii dhimatay
dhimashadoodu cashar ma noqoto ee waxa ay dhashaa dagaal kale oo ku dhisan
aargoosi, kaas oo noqda mid lagu dabar jarayo dadka, kuna dhisan cunfi waaraya
oo ah AANO jiitamaysa. Sidiisana dagaalada waxa ku dhinta dadka danyarta ah oo
kaliya, siyaasiyiinta, cuqaasha iyo ganacsatadu waxa ay ka dhiigaystaan
dagaalka oo sii dheeraada, dhimashada oo badata iyo kala qaybsanaanta bulshada
oo waarta.
Intii ay halkaa socdeen marar ayay ku sigteen xabado la is
waydaarsaday in ay ku dhaawacmaan ama halis kaleba ka soo gaadho. Socod dheer
kaddib waxa ay soo gaadheen halkii rabeen. Waxa ay ka soo dageen gaadhigii
cidhiidhiga ahaa, oo ay ku saarnaayeen ilaa 20 qof. Mooge isaga oo meel danbe
ku jiray oo aad u daalan ayuu dhulka yimid. Waxa lagu qariyey aqal loo sii
diyaariyey. Nasasho maalin ah kaddib waxa uu safarkoodii isku badalay mid
dhanka badda ah. Doon loo sii diyaariyey ayaa ay ku raaceen, in ka badan boqol
qof. Waxa ay badda ku sii jireen laba habeen. Markii ay ku dhawaadeen goobtii
ay u socdeen ayaa uu naakhuudihii baroosinka u tuuray doontii, dadkiina waxa uu
ku amray in ay badda isku tuuraan, una dabaashaan dhanka xeelliga. Markii ay
soo dhawaadeen waxa soo badbaadiyay haayadaha ka shaqeeya magangalyada
qaxootiga. Markii ay heleen daryeel waxa laga buuxiyey xog. Dabcan waxa xaqiiqo
ah in ay wada shaqaystaan haayadaha iyo magafayaashu waayo haayadahaasi waxa ay
ka dheefaan hadba tirada afrikaanka ah ee ay diwaangaliyaan kana qaadaan sawiro
daranyo ah oo ay ku baahiyaan barahooga bulshada. Wanaag kasta oo ay fallaan
deeq bixiyayaasha shisheeye waxa ku lammaan dan qarsoon oo aynaan dhaaddanayn.
Soomaaliduna waxa ay ka mid yihiin dadka dhibta ku qaba. Maalinkii danbe waxa
la siiyey waraaqo ay ku joogi karaan dalkan ay imaadeen. Mooge iyo dhalinyaro kale
oo Soomaali ah oo ay meesha isku barteen waxa ay ku wareegeen maggafe cusub.
Maalmo kooban kaddib, waxa la diyaariyey doon cusub. Mooge iyo dhalinyaradii
kale ee safarka dheer soo wada maray waxa la ballamiyey habeen madow oo aan
dayaxu muuqan. Waxa lagu amray in ay si degdeg ah u fuulaan doonta oo cidhiidhi
ahayd, taas oo ahayd mid aad uga liidatay tii hore. Waxa ka buuxsamay dad tiro
badan, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay daal, cabsi, iyo rejo is-dhex
qaaday.
Markii doontu badda ku sii durugtay, dabaylo xoog leh iyo hirar
waaweyn ayaa bilowday. Doontii yarayd waxa ay bilowday in ay lulanto si halis
ah. Dadkii doonta saarnaa waxa ay bilaabeen qaylo, oohin, iyo baryo Ilaahay.
Mooge indhihiisa waxa ka dareertey ilmo, isaga oo ka fekeraya noloshii uu ka
tegay, riyooyinkii uu lahaan jiray, iyo dhammaan rafaadkii uu u soo maray
safarkan.
Hir xooggan oo doontii ku dhuftay ayaa sababay in ay qarqoonto.
Dadkii saarnaa waxa ay noqdeen kuwo badda dhexdeeda ku firdhay sidii caleen
geed oo ay dabayli afuuftay. Qof walba naftiisa ayuu la halgamay si uu u
badbaadiyo, balse hirarkii ayaa ka xoog badiyey .
Mooge waxa uu isku dayay in uu dabaasho, balse xoogii iyo tamartii
jidhkiisu waa ay sii dhammaanaysay. Markii uu biyaha dhanna u dhaafi waayey ayaa uu quusay. Indhihiisa oo sii
xidhmaya, naftuna ay cunaha ku soo ururtay, ayaa uu xasuustay buurtii uu
fadhiyi jiray, qolkiisii cidhiidhiga ahaa, buuggii “Aanadii Nageeye” ee uu
xiisayn jiray, iyo salaadihii uu dayacay.
Badda mugdigeeda iyo hirarka xooggan ayaa quusiyay dhammaan rejadii yareyd ee uu qabay. Badda waxa ku lumay riyadoodii, codkoodii, iyo noloshoodii. Waxa kaliya oo ka hadhay waa xusuusta ay kaga tageen kuwii ay ka tageen. Ugu dambayn, Mooge iyo intii la socotay waxa ay ku milmeen hirarkii badda, iyaga oo noqday taariikh kale oo ka mid ah sheekooyinka murugada leh ee tahriibta Soomaalida.
Cabdiqani-Maansaawi Yuusuf
Hargaysa,
March 2025
Comments
Post a Comment