Isaga oo og in uu subaxa halkii ka bilaabi doono noloshana qarfaha miidhan ah waxa uu isku diyaariyey in uu u soo dheelmado dhankaa iyo hoyga uu daggan yahay. Waakan macasaameeyey asxaab ay habeenkii kuwada caweeyaan golahan yar ee maqaaxida ah oo ay ku kulmaan badiba. Sida caadada u ahna waxa ay fadhiistaan luuq yar oo mugdi ah, iyaga oo saacaddii soo martaba mar qaxweeya, mar qiijiya, marna xaaladda dalka gorfeeya, marna nolosha waayeheeda ee Afrika haysata, siiba tan Soomalida miiska soo saara oo hadba dhan ka istaaga.
Kaligii ayuu soo baxaa habeen walba, inta uu jidka kusoo jirana waxa la hadasha naftiisa oo aan nolol dagan arag intii uu soo noolaa ba. "Maxaa sababay in aan qaabkan bilaa qorshaha ah u noolaano? Ma inagaa dooranay, mise waa la inoo dooray? Cilmiga aynu dhigano maxaa anfacii ka qaaday? Oo uu u dhalaa tuug iyo khaa'in? Maxaa aynu ugu noolnahay noloshan bilaa ciwaanka ah?" Maxaa, maxaa, maxaa.... Maxaan iska dawakhinayaa sow kuma nooli Afrika, sii ba Soomaaliya oo ka hadhay qayrkeed" ayuu isku qanciyaa.
Waakan soo gaadhay qolkiisii yaraa. Waxa halkaa albaabka laabadkiisa soo taala sariirta yar ee nafarka ah ee uu mar walba wakhti ku dulqaato. Waxa sariirta agteeda u yaala miis yar oo ay ka dul buuxaan buug badan oo ku qoran luuqado kala duwan oo aanu qaarkood wax badan ka aqoon iyo sameecad yar oo uu ka dhagaysto heesaha noocyadooda kala duwan, laakiin akhrisku waa ka ugu muhiimsan ee uu naftiisa ku qaboojiyo wakhtiyada firaaqada.
Markii uu indhaha mariyey baraha bulshada, waxa uu isku diyaariyey in uu seexdo si aanu berri xilli hore u koco, maadaama oo uu yahay arday. Laakiin gam'iba maayo caawa oo noloshan bilaa dhadhanka ah ayaa soo eegaysa. Waxaana hor imanaya foolxumada taala dugsiga uu subax walba ku kallaho ee uu ka faramadhan tahay. "Horta maxaad ka doontaa dugsigan?" Waa maxay faa'iidada aad ku haysaa?" "Sowdigan maaha subax walba werwer iyo walbahaar ka soo korodhsanaya?" "Maxaad sida qayrkiin aad u heli weydeen macalimiin wanaagsan iyo wasaarad waxbarasheed oo hab-curin le?" "Maxaa macdanta loogu soo saari waayey?" Ma anagaan dadaal badneyn, mise waa lana hakranayaa?..." Wuxuu iskugu quus gooyaa ma kolaad wax ka badalaysaa adigu iska aamusnow oo sida deegaanka looga noolyahay u noolow.
Waa habeen cadda ah oo dayaxu buuxo, waxa uu u soo baxay banaanka maadaama oo uu huur jiray, kadibna albaabka bannaan ee qolkiisan yar ee dunsan ayuu fadhiistay kana fiirsaday dayaxa, isaga oo midh sigaara jiidaya oo hadba majwaddaha noloshu maskaxdiisa mashquulinayaan. "Alla maxaan kaa yaabay diiriyoow adiga oo sidana ayaad noloshan la yaabantahay, horta maxaad u eegtaa dadka kaa sareeya? Maad eegtid kumanaanka qof ee aad isku faca tihiin ee jooga miiga ee aan helin fursaddan aad heshay adigu.
Ma fursad baa waa albaabkii halaagee! Sowka xoolo dhaqda ee boqolaalka neef subax walba foofiya, haddana kala yaqaana midabkooda iyo magacyadooda. Sowka kala yaqaana dhirta noocyadeeda, deegaanka, xilliyada iyo jawiyada. Isaguba maanu aqoonyahan ahayn? Maxaa reer miyi jaahila loogu sheegaa? Sowkaa inaga cilmi badan ee inaga dagani badana, noloshana bilaa werwerka ku nool". Ayuu hoos iskula hadlayaa.
Wakhti badan oo isla sheekaysi kaga lumay kadib waxa uu ogaaday in uu xilli dambe soo jeedo oo berritoolena kallahaadi u taalo. Wuu seexday saacado kadibna waagii ayaa dilaacay isna hurdadii ayaa la tagtay. Waxa uu si kedisa u arkay iftiinka cadceeda ee daaqada iga soo galay, mise waaba habsan ba. Degdeg ayuu u amba baxay illaa iyo goobtii uu awelba ula baxay meelaha beenta laga soo qaato iyadoo buugaag ku qoran. Waakan gaadhay banaankana lagu joojiyey, kadibna xiisadihii dibada ka joogay.
Waakan sidii niyada kale "Maxaa kasoo doontay saaka, ileyn awelba xanuunkaaga ayay ahaayeen makhsinadan ay lacagtu dadka ka qiimo gadan tahay ee aan masaakiinta loogu naxariisan? "Naftaydaay meel aad ku dambeyn doonto moohaane saaka iyo socodkan hurdadaa dhaantay".
Mahadsanid saaxiib
ReplyDelete