Bilowgii abqaalideena
Markaan beeraynay caashaq
Wanaagi dushaada buuxay
Ayaa beer qaaday ruuxda
Bishiyo sanadkaan agtaada
Ku qaataa badhaadhe hayde
Bilaahi intaad u gaarka
Lahayd ma qarshoo biiyo
Waxaan kaa helay baxnaano
Waxaan kaa helay bogsiimo
xanuuno horaad bakhtiisay
intaad bi'isaad daweysay
Waxaad igu tidhi ha baydhin
Waxaad igu tidhi ha booyin
Qayrkaa haw beer jileecin
Ka barro nolosha adayga
Waxaad tirtay baylahdayda
Waxaad tirtay baahidayda
Barwaaqaad iigu deeqday
Samaan badanbaad I siisey
Farxado buuraad I siisay
intii bilanbaad i siisay
Bureeqa naftaad hadaysay
Wakhtigu waa seefe baayo
Haduu buray caashaqeenu
Kashaydu ku baajin mayso
Xasuustuna waa badhkay ye
Wanaagaagii ma biiyo
Tacliin basharaad ahayde
Insaan boqran baad ahayde
Kheyr iyo barakaad ahayde
Burjiga ruuxdaad ahayde
Baqooshaye macasalaama
Xayaatadu wayska baase
Ducaan kuusoo badshaaye
Dunida baalkaad ka joogto
Ha buuxdo agtaada rayni
Kuwaar farxad taw boqraysan
2021
Comments
Post a Comment