Skip to main content

Maanso: Tusmo



Indhawyd tixdaydiyo
Ta’da maansadaydii
Maan tirin dhankeedo
Waan xiiso tuulmee
Caawaba tubteediyo
Dariiq toosan maw maray

Ruux haduu wax kuu taro
Dayn weeye kuu taal
Maalintuu Wax Kaa Tabo
Adna Yeel Tabtii Uu
Kaa Yeelay taadii

Ilayn Taranta Waayuhu
Ways isdaba Taxnaantaa
Adoo Tookhi jiray Waa
Wakhti Kaa Talaabsada
Oo Kugu Tuntaa Iman

Adigoo Tun Waynaa
Oo Lacagta Tirin Jiray
Wakhti kaa tarxiiloo
Tifyar kaa dhigaa iman

Adigoo ku taagnaa
Oo tacab u soo huray
Dariiq kuusha tagayana
Ayuu kuu taraarshaa
Meel aan cidiba taabayn
Oo nololi taagnayn


Adoo farax tumaatiyay
Tamashleeyay maantaba
Ayay taa xigaysiyo
Baritoole kuu talin
Ooy murugo kuu tabin
Iyo tawsta waayaha

Adna Ruux Talaabsada
Oo Guusha Taabsada
Noqo oo Wax Tari kara
Dadka kiisa Taag Daran

Tusmo weeyi Maansadu
Waa sida tiriig laydh
Waxay toosinaysaa
Ruux hankiisa tiiriyay
Oo raba tub nololeed
Iyo taashka aayaha

Tani duunyo weeyaan
Wallee say u tuban tahay
Nina toban masoo hello
Adoo tiro sagaal helay
Hal aad tabasaa maqan

Tani duunyo weeyaan
Wallee ruux wax taawiyay
Oo tahan ku darin badi
Tafaraaruq kama baxo
0
Tani duunyo weeyaan
Tidcanyiin ayaamuhu
Ruux aan wax tiigsanin
Oon temmadin meel dheer
Kama helo turaaliyo
Inay siiso taakulo

Tani duunyo weeyaan
Qofkaan toosh ku day dayin
Wuxuu taab isleeyahay
Ma talaabsan karayee

Tani duunyo weeyaan
Qofaan tamar huraynimo
Tawaan ruuxa aan bixin
Kama helayo taaliyo
Taariikh danbaysee

Tani duunyo weeyaan
Waa dariiq la toobiyay
Tiin iyo masaabiir
Wallee waxay u tarantaa
Ninka turuqa maalee
Dhib kastoo timaadana
Tunka saaran karayee
Tiisuun ku meelmara

Tani Duunyo Weeyaan
Waa Timaado Geerida
Tusoow Lagu Sugaayee
Tabantaabi mooyee
Ha Tabcaynin Ruuxnaba

Tusmo weeyi Maansadu
Waa sida tiriig laydh
Waxay toosinaysaa
Ruux hankiisa tiiriyay
Oo raba tub nololeed
Iyo taashka aayaha

Cabdiqani-Maansaawi Yuusuf 
2020

Comments