Skip to main content

Kala Tagganaanta Bulshada iyo Kaalinta Madax Dhaqeedka

 

Madax dhaqameedku dhisitaanka Soomaalilaan waxa ay kasoo qaateen kaalin muhiim ah, taas oo aan marnaba indhaha laga lalin karin balse maanta kama hadlayno kaalintooda togan ee waxa aynu dul istaagaynaa kaalinta taban ee ay ku yeesheen dawladda iyo bulshadaba.

Soomaalilaan xukuumadihii kala danbeeyey midiba qaab ayay ula macaamishay madax dhaqameedka. Tusaale, Madaxwayne Cigaal waxa uu kamid ahaa dadkii rabay in la dhimo awoodda madax dhaqameedka ee siyaasadda, waxa ugu wayn ee aynu xusi karnaana waa in doorashadii gacantaagga la isku xulan lahaa uu ka soo hoos saaray oo uu ka dhigay mid shacabka gacantooda ku jirta. Daahir Riyaale oo kursiga ka dhaxlayna waxa uu qaaday waddada saaxiibkii. 

Madaxwayne Siilaanyo oo sannadii 2010-kii kursiga kala wareegay madaxwayne Riyaale, waxa uu kursiga ku soo gaadhay awoodda madax dhaqameedka taas oo markii danbe noqotay awood ka ag dhisan awooddii dawladnimada. Kaddib waxa kursiga uga danbeeyey madaxwayne Muuse, kaas oo isna kursiga ku soo gaadhay. Balse markii danbe dagaal qaawan ku qaaday odoyaasha. Waxyaabaha la yaabka leh ee isdiidooyinka ku ah xukuummaddii Muuse gadhwadeenka ka ahaa waxa kamida, isaga oo raba in uu madaxdhaqameedka meesha ka saaro haddana doorashadii 2021 ee golayaasha waxa tartamayaasha lagu xidhay in uu cuqaasha reerka warqad kasoo qorto. 

Doorashadii u danbaysay ee Soomaalilaan 2024, wakhtigii ololaha waxa dhacay kala qaybsanaan badan oo bulshada dhexdeeda ah. Waxa soo noolaatay caadifadda qabiilka taas oo ay dabkiisa shidayeen, siyaasiyiin, dad baraha bulshada caan ka ah iyo madax dhaqameedka, kuwaas oo la kala saftay saddexdii xisbi ee tartamayey, Kulmiye, Ucid, iyo Waddani.

Xukuummadda hadda jirta waxa ay talada dalka la wareegeen iyada oo abaal u haysa madaxdhaqameedka, maadaama oo ay qayb ka ahaayeen sababihii guushiisa. Markasta oo madaxwaynuhu safar dibadeed u baxo waxa safka soo dhawayntiisa lagu arkaa madaxdhaqameedka. Taas oo muujinaysa saamaynta ay ku leeyihiin talada dalka.

Haddaba doorashooyinkaa isku dhawaa, xanaftii ka dhalatay, waxa laga dhaxlay burbur bulsheed oo baahsan. Waxana kaalinta ugu wayn ka qaatay madax dhaqameedka oo hadallo qabaa’ilka kala dillaya miidhiyaha isku marinayey. Waxa xusid mudan in toddoba bilood kaddib doorashadii madaxtooyada, wali dogobyo ay sii saarayaan naca iyo cunfiga bulshada dhexdeeda. Taas oo ay ahayd in ay ka shaqeeyaan isku dhawaanshaha dadka. 

Ugu danbayn dawladnimada Soomaalilaan sannadaha soo socda waxa ay wajahaysaa carqalad ah madaxdhaqameedka waayo waa awood gaar ah oo la tartami karta hadba cidda xilka timaada. Haddii aan la dhimin awoodda madax dhaqameedka waxa ay sii ahaan doonaan dadka jaangooya kala tagganaanta bulshada, kuwaas oo marwalba shidaalinaya cunfiga. 

Comments